Somaliland: “Shaqadii muruq-maalka waxaa la wareegay Ajaanib”

0
219

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Sanadihii danbe waxaa magaalooyinka Somaliland gaar ahaana caasimadda Hargaysa ku soo badanayay dadyaw ajaanib ah oo shaqooyin kala duwan ka shaqeeya.

Dadkaasi ajaanibka ayaa la tilmaamay in meesha ka saareen shaqaalihii muruq maalka ahaa ee reer Somaliland, kuwaasoo ku shaqeeya qiimo ka hooseeya ka ay muwaadiniintu ku shaqeeyaan.

Arrintaasi ayaa la sheegay in ay dhibaato shaqo la’aaneed ku riday kumanaan shaqaalaha muruq maalka ah ee muwaadiniinta ah.

Waxaana jirtay in dhawr jeer ay  dhigeen shaqaalaha muwaadiniinta ah cabashooyin iyo mudaharaadyo ay arrintaasi kaga cabanayeen.

Muwaadiniinta ay shaqo cidhiidhiga ku rideen ajaanibku ayaa cabashadooda ku saleeyay in ay gacantoodda wax kaga qabanayaan dadkan shaqooyinkoodii ka saaray, maadaama ay dawladu waxba ka qaban wayday cabashadoodda.

Sababta keentay in shaqaale ajaanib ah la wareegaan shaqooyinkii muruq-maalka ee Somaliland waxaa keentay iyadoo aanu jirin xeerkii kala xadaynta shaqaalaha rayidka.

Inkastoo dhawr jeer ooh ore ay xukuumadda Somaliland sheegtay in xeerkaasi la ansixinayo, hadana waxaan weli lagu guulaysan in la ansixiyo xeerkaasi, si meesha ay uga baxdo dhibaatadan soo waajahday shaqaalihii muwaadiniinta ahaa.

Si arrintaasi oo dhibaato kale keeni kartaa aanay u dhicin ayaa guddoomiyaha ururradda xidhiidhka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland Maxamed Axmed Cabdi, waxa uu shaqaalaha rayidka ah uga digay in tallaabadaasi ku dhaqaaqaan.

Waxaanu sheegay in arrintaasi wax ka qabashadeedda looga fadhiyo haayadaha dawladda ee ay khusayso, isla markaana ay gaadhsiinayaan dhibaatadda jirta.

Maxamed Axmed Cabdi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxa uu tilmaamay in shaqaalaha ka shaqeeya dhismaha ay ka war sugaan inta uu soo baxayo xeerka shaqaalaha rayidka ah oo hadda hor yaalla golaha Wakiiladda.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.