Hargeysa (HargeisaPress) – Fadhigaas waxa shirgudoominaayay gudoomiyaha golaha wakiilaada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa waxa ku sugnaa 42 xildhibaan, in ajandahaas la ansixiyo waxa ogolaaday 41 xildhibaan, iyadoo gudoomiyuhna aanu coday, cid diiay iyo cid ka aamustayna aanay jirin.
Ajandahaas ayaa waxa qodbada ku jira ka mida xeerar kaabis iyo wax kabadal lagu samayn doono, kuwaas oo xildhibaadanada golahaasi ay soo darsi doonaan.
Sidoo kale waxa xildhibaanada golahaas loo qaybiyay qabyo-qoraalka xeerla liisamada ganacsiga, kaas oo ay soo curisay xukuumadda Somalilanmd.