Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Muqdisho Kala Dagay Ciidamo Tiro Badan oo Ku Hubaysan Qoryaha Darandooriga U Dhaca

0
293

Muqdisho (Hargeisa Press) – Ciidamo tiro badan oo aad hubaysan oo ah ilaalada Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa ka dagay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku wajahan yahay madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galaya shirka arrimaha doorashada Soomaaliya.

Ilaalada madaxweynaha maamulka Puntland oo kor u dhaafaya kontomeeyo Askari ayaa qaar kamid ah waxay ku hubaysan yihiin qoryaha darandooriga u dhaca, waxay kaloo garbaha ay ku sitaan sanduuqyo rasaas kayd ah.

Waa markii ugu horaysay oo madaxweyne maamul goboleed uu Muqdisho kala dego ciidan sidaas oo kale u hubaysan.

Madaxweyne Deni ayaa hore warbaahinta uga sheegay inuu shaki weyn ka qabo ciidamada Haramcad ee sida gaarka ah u tababaran iyo ciidamada Gorgor, sida loo soo tababaray isagoo ku tilmaamay ciidan aan naxariis lahayn.

Arrintan ayaa muujinaysa heerka uu marayo khilaafka dowladda federalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Puntland, isagoo madaxweyne Deni Muqdisho ku tagaya damaanad amni oo uu ka dalbaday beesha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.