Muqdisho (Hargeisa Press) – Wararka hada ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor-dhawayd uu Qarax loo adeegsaday Miino uu ka dhacay waddada Afsiyooni ee magaalada Muqdisho.
Waxa ay wararku intaasi ku darayaan in Qaraxa lala eegtay Gaadhi uu la socday saraal ka tirsan Militariga Soomaaliya, waxaana la sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaadhay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaa oo xidhay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku soo badanayay Qaraxyada noocan ah kuwaa oo lala eeganayay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka tirsan hay’addaha kala duwan ee Soomaaliya.