Ethiopia oo Beenisay Eedeymo Ku Saabsan Gobolka Tigray oo Uga Yimid Mareykanka

0
411

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Dowladda Ethiopia ayaa Sabtida maanta ah Beenisay eedeymaha uga yimid Mareykanka oo ah in isir sifeyn laga gaystay gobolka Tigray, iyadoo iska riixeysa dhaleeceyntii ugu dambeysay ee ka dhan ah howlgalladeeda milatari ee gobolka waqooyiga ee Tigray taasi oo uga timid maamulka cusub ee Washington.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay Arbacadii in uu doonayo in ciidamada Eretria iyo kuwa ka soo jeeda gobolka Amxaarada lagu bedelo ciidamada ammaanka oo ilaalin doona xuquuqda aadanaha oo aan “sameyn doonin ficillo isir sifayn ah.”

“(Eedaynta) ayaa ah gabi ahaanba xukun aan sal iyo raad toona lahayn oo ka dhan ah dowladda Ethiopia,” ayaa lagu yidhi qoraal Sabtida maanta ah ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.