Maalinta Dhir Beerista Qaranka Somaliland iyo Farriinta Wasaaradda Deegaanka

0
104

Hargaysa (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa bulshadda u dirtay farriin ku aaddan maalinta Dhir Beerista qaranka oo ku beegan 15-ka bishan April ee maalinta berri ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda deegaanka ee Hargaysa ayaa guud ahaanba bulshadda ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan dhirta ay wasaaradu qaybinayso.

Sanad kasta marka la gaadho 15-ka bisha April, oo ku astaysan maalinta Dhir Beerista qaranka Somaliland waxay wasaaradda deegaanku qaybisaa dhir aad u fara badan oo noocyo kala duwan isugu jirta.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2020-ka, waxay wasaaradda deegaanka Somaliland  qaybisay in ka badan 96000, kun oo geed, iyadoo sanadkana qorshuhu yahay in la qaybiyo dhir intaa aad uga fara badan, oo kor u dhaafaysa  200,000 kun oo geed.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, oo ka warbixinayay maalinta dhir qaybinta qaranka iyo qorshaha wasaaradda.

Agaasimaha ayaa ugu baaqay maamulka goboladda iyo degmooyinka dalka  in ay masuuliyad iska saaraan ilaalinta iyo daryeelka dhirtaasi ay tacabka iyo kharashka ku bixisay wasaaradda deegaanku.

Geesta kale C/naasir Axmed Xirsi, waxa uu sheegay in dhirtaasi laga helli karro xarumaha dawladaha hoose ee dalka iyo xafiisyadda iyo xarumaha wasaaradda deegaanka ee goboladda iyo degmooyinka dalka.

DAAWO: Fariinta Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.