Hargaysa (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta qalab kala duwan oo caafimaad kala wareegtay haayadda qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha caafimaadka ee WHO.
Qalabkaasi ay WHO soo gaadhsiisay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa isugu jiray qalabka uu ku shaqeeyo Mishiinka Coronavirus, waxyaabaha lagaga gaashaanto caabuqa Covid-19 iyo daawooyinka lagula tacaalo xanuunkaasi.
Waxaana qalabkaasi si rasmiya ugala wareejiyay masuuliyiintii ka socday haayadda WHO agaasimaha guude ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeey.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.