Taiwan oo Soo Dhawaysay Wakiilka Imaraatku U Soo Magacaabay Somaliland

0
1513

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland Allen C. Lou ayaa soo dhaweeyay Wakiilka Imaraat ku u soo magacabay Somaliland.

Wakiilka Taiwan ayaa qoraal uu ku qoray bogiisa Twitter ka ku bogaadiyay dawladda Imaraatka Carabta.

“Waan ku faraxsanahay in saaxibo badan oo aanu isku fikir iyo xulufo nahay ay la shaqaynayaan jamhuuriyada Somaliland” ayuu yidhi wakiilka Taiwan.

Dowladda Taiwan ayaa ahayd dalkii ugu danbeeyay ee wakiil u soo magacaaba Somaliland.

Sidoo kale, waxaa iyana la filayaa in dowlada Kenya ay iyaduna furato xafiis keeda Hargeysa badhtamaha sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.