Tog-Wajaale (HP): Wasaaradda beeraha Somaliland ayaa maanta ku wareejisay haayadda ka hor tagga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka midhaha dalagyo kala duwan oo laga beeray mashruuca banka Wajaale ee gobolka Gabiley.
Raashinkaasi oo dhamaa 2800,oo Jawaan, oo isugu jiray Gelley, Qamadi, iyo Hadhuudh, kuwaasoo ka mid ah dalagyadii laga beeray banka Wajaale ee soo go’ay sanadkii ina dhaafay.
Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaana raashinkaasi ku wareejiyay guddoomiyaha haayadda Kaydka raashinka Faysal Cali Sheekh Maxamed, munaasibad maanta lagu qabtay banka Wajaale ee gobolka Gabiley.
Dalagyadaasi ka baxay banka Wajaale ayaa noqonaya kii ugu badnaa ee ka soo go’a halkaasi, kaasoo kaalin weyn ka qaadanaya kaydka raashinka qaranka.
Hargeisa Pressc.om/Hargeisa Office.