Laascaanood: Kulan Dhex Maray Guddoomiyaha Haayadda Maamul Wanaagga iyo Badhasaabka Sool

0
155

Laascaanood (HP): Wefti uu hogaaminayay guddoomiyaha haayadda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq maasuqa ee Somaliland Dayib Xaaji Cali, ayaa hawlo shaqo ku tegay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaanay weftigaasi xafiiskoodda kulan la qaateen maamulka gobolka Sool, iyadoo kulankaasi diirradda lagu saaray sidii haayadaha dawladda hoose ee Laascaanood loogu ilaalin lahaa sharciyadda.

Maadaama oo la filayo in badhtamaha sanadkan ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin, sida uu sheegay   guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo kulankaasi faahfaahin ka bixiyay.

“Waxaanu maanta kulan kula qaadanay magaallo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, kommishinka maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq maasuqa. Isku imaantinkan ayaanu ku gorfaynnay ka shaqaynta arrimaha sii xoojinaya maamul wanaagga” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi,  “Si gaara waxaanu diiradda u saarnay, xilligan kala guurka ah sidii loo sii wadi lahaa daba-galka dawladda hoose ee Laascaanood, ilaalinta dhulka hantida dawlada, maadaama oo doorasho loo dareerayo badhtamaha sanadkan”.

Geesta kale guddoomiyaha Sool  waxa uu sheegay in  hufnaanta iyo isla xisaabtanku ay yihiin hal-beegga iyo tamarta maamul wanaagga.

Waxaanu tilmaamay in ka maamul gobol ahaan ay ka go’an in ay arrintaasi ahmiyad weyn siiyaan.

Waxaanu yidhi,  “Hufnaanta iyo isla xisaabtanku, waa hal-beegga iyo tamarta maamul wanaagga. Waxaana ka maamul gobol ahaan naga go’an in aanu siino ahmiyad weyn.

Xilliyada ugu muhiimsan ee arrinta xoogga la saaro ayay ka mid tahay, waqtiyada doorashooyinka ee kala-baydhka, waana sababta kulankani ka duullayay”.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.