Hargaysa (HP): Waxaa la soo gebagabeeyay tartan dhinaca suugaanta ah oo loo qabtay ardayda wax ka barta qaar ka mida dugsiyadda sare ee ku yaalla magaaladda Hargaysa.
Tartankaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland waxaa ka qayb qaatay 112 tartame.
Waxaana guulaystay ama ka soo baxay 12 qof, kadib markii la mariyay saddex wareeg oo lagu kala saarayay, kuwaasoo ay ku jirto hal gabadh ama Innan ah.
Sida uu sheegay Siciid Ibraahim Dool, oo ah madaxa hal-abuurka ee waaxda dhaqanka iyo wacyigelinta ee wasaaradda warfaafinta Somaliland oo ka mid ahaa guddigii kala xulaysay dhalinyaradaasi.
Munaasibadii loo qabtay gebagabadda tartankaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirrada wasaarradaha warfafinta, ciyaaraha, iyo guddoomiyaha baanka dhexe.
Agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha warfaafinta, waxbarashadda iyo shaqo gelinta, iyo sidoo Abwaanno caan ka ah guud ahaanba geiyadda Soomaalida.
Fanaaniin ama heesaayo, jileyaal caan ah, hal-abuurro, qoreyaal iyo dadweyne kaloo fara badan.
Tartankani oo ku koobnaa gabayadda ama Tixda ayaa noqonaya kii koowaad ee noociisa ah oo ay ardayda dugsiyadda u qabato wasaaradda warfaafinta Somaliland.
Hase yeeshee waxay wasaaradu qorshaynaysaa in ay soo kordhiso qabashadda tartamadda dhinacyadda akal duwan ee suugaanta gaar ahaana curinta sheekooyinka iyo Tiraabta.
Sida uu sheegay agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Xasan Cali (Weji), oo hadal ka jeediyay munaasibadii xidhitaanka tartankaasi.
DAAWO: Warkaasi:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.