Kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya oo Lagu Kala Dareeray iyo Buuq Hadheeyay

0
566

Muqdisho (Hargeisa Press) – Waxaa buuq iyo is qabqabsi ku soo idlaaday kulan ay maanta u balansanaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaa soo lagu wadday in uu ka dhaco xarunta Villa Hargeysa.

Ajandaha kulanka oo xalay lagu soo daabacay barta bulshada ee golaha Baarlamaanka, sidoo kalana xildhibaanada fariin qoraaleed loogu diray ayaa lagu sheegay in lagaga hadlayo arrimo ku saabsan Covid-19, balse waxaa yimid tuhun laga qabo inuu jiro muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo golaha baarlamaanka.

Ka hor inta aanu furmin fadhiga, buuq ayaa hadheeyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana jiray buuq badan sida laga arkayay muuqaalada laga baahiyay warbaahinta gaarka loo leeyahay, sidoo kalana qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa diiday inay saxeexaan buuga lagu xaadiriyo xildhibaanada.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay inay sameeyeen qalalaase, isla markaana is hor istaag ku sameeyeen inuu kal-fadhigu furmo, iyadoo gudoomiyaha golaha shacabka ee wakhtigiisa dhamaaday uu sheegay in la soo gudbiyo liiska xildhibaanada kiciyay buuqa si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo la xidhiidha arintan dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.