In Ka Badan 100 Qof oo Maalin Qudha Lagu Dilay Dibad-baxyada Myanmar

0
244

Yangon (Hargeisa Press) – In ka badan 100 qof ayaa Sabtidii lagu dilay dalka Myanmar iyadoo booliska uu sii wado gacanta birta ah ee uu kaga hortagayo dadka u bannaabaxaya demuqraadiyadda.

Sabtidii ayaa noqotay maalintii ugu dhimashada badneyd tan iyo kowdii February, markaas oo ay soo billowdeen mudaharaadyada ka dhanka ah afgambigii milatari.

Warbaahinta Myanmar Now ayaa soo warisay in dhimashada xilli dambe oo Sabtii shalay ah ay gaadhay ugu yaraan 114 qof, Iyadoo 29 qof oo wiil shan sano jir ahaana uu ku jirayna lagu dilay magaalada wuqooyiga ku taalla ee Mandalay, halka ugu yaraan 24 kalena ay ku dhinteen rabshado uu booliska ku lug lahaa oo ka dhacay magaalada Yangon.

Wakaaladda wararka AP oo soo xigatay cilmi baadhe ku sugan magaalada Yangon ayaa sheegtay dhimashada 107 qof, labada tiro ayaana ka badan tii hore loo wariyay banaanbixii 14-kii March oo lagu dilay 90 qof.

Taliska milatariga ayaan wax jawaab ah ka bixin dadkii ciidanka amniga ay ku laayeen mudaharaadyadii Sabtidii dhacay, laakiin waxay afgambigooda ku difaaceen inuu ahaa mid ay ku diideen, natiijada doorashadii 8 November kasoo baxday, taas oo uu ku guulaystay xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.