Hanti-dhowrka Guud oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaarada Shaqo Gelinta

0
2171

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hanti dhowrka guud ee qaranka Somaliland ayaa waxaa ay baadhis maaliyadeed ka bilaabeen xarunta Wasaarada Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

kuwaasoo ay Saraakiil ka tirsan Hanti-dhowrku shaqada ka bilaabeen maalmihii la soo dhaafay.

Xafiiska Hanti-dhowrka guud ayaa howlgalkan ka bilaabay Xafiiska Wasiirka wasaarada Shaqo Gelinta, Xafiiska Agaasimaha guud, Xafiiska Agaasimaha waaxda Arrimaha Bulshada, Xafiiska xisaabiyaha, Xafiiska maamulka iyo Lacagta, iyo Xafiisyada kale ee wasaaradaasi.

Baadhis ayaa kala ah Baadhis Maaliyadeed, kuwaas oo ay ka qayb qaadan doonaan saraakiil caalami ah oo u tababaran arrimahaasi.

Geesta kale, Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka oo ay Warbaahinta Hargeisapress oo la xiidhay si ay wax uga waydiiso howlgalkan baadhista ah ee ay ka bilaabeen xarunta Wasaarada Shaqo Gelinta, ayaa noo xaqiijiyey jiritaanka warka.

Ma aha markii ugu horaysay ee Xafiiska Hanti-dhowrka guud Baadhis ka bilaabo xarumaha wasaaradaha dowlada, iyadoona ay hore sidan oo kale ay baadhis uga sameeyeen qaar ka mid ah xarumaha Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dowladda.

Hasseyeeshee baadhitaanadaasi uu xafiiska Hantidhowrku ku sameeyay xarumaha dowlada ayaan wax midho dhal ahi ka soo bixin, iyadoo aanay jirin masuul dowladeed oo maxkamad loo soo taagay lunsi hantiyeed.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.