Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Covid-19 Ah

0
755

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay 38 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 kadib markii saacadihii ugu dambeeyay cudurka laga baadhay 145 qof.

Guud ahaan cudurka Somaliland waxaa laga helay 2,855 qof halka tirada dhimashada waxaa ay gaadheysaa 133 qof.

Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjaddii labaad ah.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in ay xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee lagaga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.