Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaramadda Midoobay Oo Qudha Lagaga Jaray Weerar Ka Dhacay Mali + Khasaare kale

0
287

Mali (Tayosame news)  -Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in 4 ka mid ah ciidamadeeda nabad ilaalinta lagu dilay dhowr kalana lagu dhaawacay dalka Mali.

lababadani weerar ayaa ahaa kuwa si kala gooni gooni ah loola beegsaday ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey.

Weerarka kowaad ayaa waxaa ku dhintay 3 askari oo ka socday dalka Niger 16 kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii gawaadhidii ay la socdeen lagu weeraray meel u dhaw Menaka oo ku taalla galbeedka Mali.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay gobolka Mopti halkaasi oo uu hal askari ku dhintay miino dhulka lagu aasay iyo hoobiyayaal lagu weeraray ciidamada .

Ma cadda ilaa iyo imika in labadani weerar ay yihiin kuwa hal meel laga soo agaasimay

Bayaan ay soo saareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi.

Dalka Mali ayaa waxaa ka howlgala dhowr koox oo xagjir ah kuwaasi oo dhammaantood xidhiidh la leh ururka Al Qaacida.

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ayaa loo daad gureeyay dalka Mali sanaddii 2013.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.