Maamulka Puntland Oo ka Dhaxag Dhigay Saldhig Booliis Degmada Hadaftimo Ee Dhulka Somaliland

0
56

Sanaag (Tayosame news)  -Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa gelinkii hore 23 Nov 2017  dhagax dhigay magaalada Hadaaftimo Saldhig Boolis kaas oo qayb ka ahaa todobo saldhig oo laga hirgelindoono todoba magaalo oo kamid ah gobolka Sanaag.

Agaasimaha iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa kahor inta aanay dhagax dhigin Saldhigga waxa ay kulan laqaateen duqa degmada Hadaaftimo iyo waxqaradka magaaladaasi, waxaana uu Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl  sheegay in u jeedada safarka isaga iyo weftigiisa ay tahay hirgelinta xarumaha dawladda ee lagama maarmaanka ah, isla markaana waxa uu cadeeyey in dawladda Puntland diyaar u tahay inay wax ka qabato tabashada ay qabaan shacabka reer Hadaaftimo.

Dhinaca kale Agaasime Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo kahadlay goobtii dhagax dhigga saldhigga ayaa hoosta ka xariiqay in manta saldhiggii ugu horeeyey laga dhaqax dhigay magaalada Hadaaftimo, waxana uu tilmaamay Agaasimuhu in fekerka iyo hirgelinta todobada saldhig ee laga hirgelindoono todoba magaalo oo kamid ah gobolka Sanaag uu lahaa Xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaana waxa uu shacabka magaaladaasi uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay u qaabileen isaga iyo weftigiisa.

Duqa degmada Hadaaftimo ayaa dhankiisa tilmaamay in ay tahay markii ugu horeysey ee magaalada Hadaaftimo laga hirgeliyo dhismaha saldhig Boolis, waxaana uu Madaxweynaha dawladda Puntland uga mahadnaqay hirgelinta saldhiggaasi, Duqa degmada Hadaaftimo ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka magaalada Hadaaftimo yihiin kuwo u heelan sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka magaaladooda iyo guud ahaanba degaamada hoosyimaada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.