Hargeysa( Dawan)Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa soo xidhay tababar lagaga hadlayay badqabta Tallaalka Xanuunka dabaysha.
Tababarkan oo muddoo shan cisho ah socday ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta degmooyinka dalka ee Tallaalka xanuunka dabaysha ee Wasaarada Caafimaadka.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye oo hadal ka jeediyay tababarkasa ayaa kula dardaarmay ka soo qayblayaashii in ay xoojiyaan Wacyigalinta tallaalka dabaysha.Waxaana uu yidhi”Tababarkan aad halkan u joogteen oo ay ka soo qayb galeen badi shaqaalihii heer degmo ee Wasaarada Caafimaadka ee Tallaalka xanuunka dabaysha,waxaana tababarkan lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadilahaa oo Carruurta tallaal dhamaystiran oo wax tar leh oo tayadiisa aynu gaadhsiin la hayn,sharaf ayay noo tahay ka Wasaarad ahaan in aan idikala soo qaybgalno tababarkan.Wasaarada waxa ay ahmiyada siinaysaa sidii kor ugu qaadi la hayd xirfada shaqaalaha ka shaqeeya ka hortaga xanuunada,waxana aan idikula dardaarmayaa madaama oo aad tihiin madaxda degmooyinka ee dhinaca talaalka in aad xoojisaan wacyigalinta talaalka,waxaana yoolkeenu weeye in aynu dabar goyno xanuunada talaalada aynu u bixinayno,”.
Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Hay,adda WHO oo hadalo ka jeediyay halkaa ayaa waxa ay sheegeen faa,iidada ay leedahay badqabka Talaalka xanuunka dabaysha.