Hargeysa(Dawan):- Shaqaale ka tirsan shaqaalaha dhismaha oo shubayay isla markaana ka shaqaynayay dhisme ku yaalla xaafadda Masalaha ee Caasimadda Hargeysa ayuu kusoo dumay dhismihii.
Shaqaale ka koobnaa lix Nin ayuu ku dumay Dhisme ay shubayeen kuna yaala xaafada Masalaha ee magaalada Hargeysa.
Ciidanka Dabdemiska ayaa markiiba goobtaa gaadhay si degdeg ahna dhaawacyadii u qaaday, una gaadhsiiyay Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu dabiibayo.
Shilkaa ka dib ciidanka dab-damiska caasimadda Hargeysa ayaa farriin u diray shaqaalaha dhismaha ka shaqeeya iyo shirkadaha wax dhsa ba.
“Muwaadiniinta iyo shirkadaha dhismaha waxaan uga digaynayaa marka ay dhismayaasha samaynayaan inay dabaqaan nidaamka badbaadada.
Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel.”