Hargaysa (Dawan) Golaha wakiillada Jamahuuriyadd Somaliland ayaa shalay ansixiyay xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland, kuwaasi oo uu Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi horay u magacaabay.
Fadhigii 4aad ee kal-fadhiga 8aad ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilladda JSL Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa lagu ansixiyey masuuliyiin qaran oo dhawaan madaxweynaha JSL u soo magacaabay xilal kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray wasiiro iyo wasiir ku xigeeno.
Xubnaha golaha wasiiradda ee ay golaha wakiilladu ansixiyeen ayaa kala ahaa wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada, wasiirka wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha xidhiidhka Goleyaasha, wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horurmarinta Jidadka, wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha, wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo xubin ka mid ah guddida Diiwaangalinta iyo ansixinta Asxaabta Qaranka.