Wasaarradaha iyo hay’adaha kala duwan ee xukuumadda Somaliland waxay iyagoo isku duuban u guntadeen ilaalinta iyo daryeelka deegaanka, gaar ahaana xidhashadda dhul daaqsimeedka ee meelaha ay dadweynuhu sida danta guud ah u wada daaqaan.
Deegaamo fara badan oo goboladda dalka ka mid ayaanay maamuladda goboladda iyo degmooyinka dalku si weyn iskugu hawleen sidii wax looga qaban lahaa oodashadda sharci darrada ah ee dhul daaqsimeedka, iyo meelaha seereyaasha loo qorsdheeyay.
Waxaana ka mid ah meelaha ay arrintaa sida wada jirka ah uga wada shaqeeyeen wasaaradda deegaanka, maamulka degmooyinka, iyo goboladu degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, taasoo la tilmaamo in ay caan ku tahay xoolo dhaqashadda.
Heseyeeshee waxaa waayadan danbe degmadaasi iyo nawaaxigeedda ku soo badanayay dhulka sida sharci darada ah loo ooto, iyo meelaha ay dadka gaarka ahi u qorshaysteen beeraha sharci darada, iyagoona ootay ama xidhay dhul aad u balaadhan.
Waxaana arrintaasi cabashooyin is daba joog ah ka soo sheegtay dadka xoolo dhaqatadda ah, kuwaasoo sheegay in dhulkii ay xooluhu u daaqi lahaayeen in ay shaqsiyaad gaari ah inta ay ooteen kadibna ay u diideen in xoolahoodii ay daaqaan.
Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa cabashadda ay dadka xoolo dhaqatadda ah ee degmadda Gar-adag u gudbiyeen masuuliyiinta xukuumadda ee degmadaasi, iyo jawaabtii ay ka bixiyeen.
Wax ka qabashadda xoolo dhaqatadda deegaanka Gar-adag, waxaa si wada jir ah uga hawl galay maayarka degmadda Gar-adag, oo uu wehelinayay maayar ku-xigeenka, iyo taliyaha booliska degmadaasi, iyo maamuleyaasha wasaaradda deegaanka, iyo maamulaha wasaaradda beeraha, iyo taliye ku xigeenka booliska, kuwaasoo go’aamo ka soo saaray dhul daaqsimeed si sharci darro ah loo calaamadsaday.
Waxaanay masuuliyiintaasi sheegeen in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan cid kastoo ay ku cadaato arrintaasi. Iyagoona sheegay in aan deegaankaasi laga ogolayn dhul daaqsimeed si sharci darro ah loo xidho, ama loo ooto.
Maayarka Degmada Gar-adag Faarax Aadan Ciise, oo kormeerka ay deegaamadda la xidhay ku soo mareen kadib warbaahinta dawladda la hadlay ayaa sheegay in dadka deegaamadda Gar-adag ku hareeraysan ay u badan yihiin xoolo dhaqato, sidaas darteedna aan la ogolaan karin ay shaqsiyaad si gaara u ootaan ama u xidhaan.
Faarax Aadan Ciise, Maayarka Degmada Gar-adag oo ka warbixinayay waxyaabihii ay ku soo arkeen dhulkii ay soo mareen waxa uu yidhi “Dadku waa dad aan dhulka u tudhaynin sida ay wax u calaamadinayaan, anaguna u tudhi mayno ka maamul ahaan. Degmadda Gar-adag, iyo agagaarkeedu 90% waa xoolo dhaqato. Waxa ay ku nool yihiina waa xoolahaa nool, waananu ilaalinaynaa. Masuuliyad ayaana naga saaran, in aanay dayacmin ayaananu ka shaqaynaynaa. Aniga iyo golahaygu waxaanu ka soo saarnay waxa loo yaqaano isku qalalka, ama guriga marrada ah ee lagaga tegayo meesha laga guuray, ee sii haynta ah, guri hebel leeyahay, ma jirto. Maanta wixii ka danbeeya waad kaga tallo gelaysaan. Dadka reer miyiga ahi, guriga ay ugu yimaadaan Maryo saaran, anaga ayay na soo ogaysiinayaan, waanay degayaan, guri hebel leeyahay ma jirto, deegaamadana lagama ogola. Taasi waa iga dar-daaran”.
“Dadka degan deegaankani waxaanu u sheegaynayaa in aan laga ogolayn nin dhista guriga isku qalalka, oo yidhaahda anigaa leh, oo deegaan laga dhigan karaa ma jiro. Sidoo kale lama ogola nin inta uu dhulka Cagaf mariyo, Siligna ku xidha oo yidhaahda aniga ayaa leh, kaana lagama ogolaanayo. Haddii uu sameeyana talaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa”ayuu yidhi maayarka degmadda Gar-adag
Taliyaha ciidanka booliska Gar-adag, ayaa isna soo jeediyay in aan la aqbali karin si sharc I darro ah dad gaar ahi u xidhaan dhul daaqsimeedkii ay dadka xoolo dhaqatadda ahi wada lahaayeen, sidaas darteena in ay talaabo ka qaadayaan cid kastoo hawshaasi ku kacda.
“Waxaa jirta in dhul la calaamadsaday, Cagaf la geliyay, dhul la ooday, dhul kaabado la geliyay, dhulkaasi oo ah dhulkii ay xooluhu daaqi jireen, ee ummadu ku noolayd dad iyo xooloba. Waxaanu faraynaa cidii waxaa dhigtay, in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, oo ay wasaarradaha iyo hay’adahadawladda ee ku shaqada leh ay ka qaadi doonaan”ayuu yidhi taliyaha booliska ee degmadda Gar-adag.
Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay mas“Waxaanu u soo baxnay warar aanu maqalnay oo sheegaya in ay dad si sharci darro ah u xidheen dhul daaqsimeed. Waxaa mamnuuc ah dadka guryaha isku qalalka loo yaqaano inta ay dhistaan, isaga guuraya, ee odhanaya anaga ayaa weligayo lahaanayna, oo la daaqi maayo, taasi waa mamnuuc. Dhulkaasi wada lahaanshiyaha ayuu dadka ugu filan yahay”.
Geesta kale maayar ku xigeenka degmadda Gar-adag ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaanu yidhi “Waxaanu u soo baxnay in aanu dadka ka wacyigelino, kadib markii aanu maqalnay dhul in la calaamadiyay, deegaankii dhul daaqsimeedka ahaa, seerihii degmaduna ku jiro. Dhamaanba dadka dhulkaa calaamadsaday waxaanu u sheegaynaa, oo aanu uga digaynaa in dhulkaasi uu dhul daaqsimeed yahay, dhul daaqsimeedna aan la kala oodan karin, oo aan la kala lahayn.
Nidaamka dhulka lagu yeeshana nin waliba sharciyadiisa wuu garanayaa oo wasaarado ayaa u xil saaran. Nidaamkeenii wanaagsanaa, ee dhulka aan lagu kala lahayn, ee lagu wada daaqayay hala ilaaliyo”.