Hargeysa (Dawan)- Wargeyka the reporter ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa dabaacday maqaal dheer oo ay kaga warramayso sida ay Somaliland u buuxisay shuruudihii dawladnimada ee dal lagu aqoonsan lahaa iyo sida ay wali dawladaha caalamku uga dhego adaygayaan inay aqoonsadaan.
Qoraalkan oo uu qoray sharci yaqaan reer Itoobiya ah ayaa lagu sheegay in Somaliland buuxisay shuruudaha caalamku u aqoonsan yahay inay aasaas u yihiin dawladnimada ee lagu gaadhay shirkii Montivideo ee dalka Uruguay, kuwaasoo ay ka mid yihiin in dalkaasi yeesho dadweyne deggan, dhul mucayin ah iyo dawlad taabbo -gal ah iyo inay awood u leedahay inay samaysan karto xidhiidho caalami ah oo diblomaasiyadeed, kuwaasoo dhammaantood Somaliland buuxisay balse aanay wali aqoonsi helin.
Sharciyaqaankan ayaa sheegay in xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland la leedahay dalalk ay ka midka yihiin Imaaraadka carabta, Jabuuti, Taiwan, Kenya iyo dalal kale ay caddayn u tahay in Somaliland buuxisay shuruudihii dawladnimo loogu tix galin lahaa marka la eego shuruucda caalamiga ah.
Qoraagan ayaa sheegay Itoobiya hore xidhiidh ula lahayd Somaliland sida ku qeexan heshiiskii 2018 dhex maray labada dal kaasoo Itoobiya siinayay 19% saamiga dekedda Berbera. Sidoo kale waxa jira ayaa lagu yidhi qoraalka xidhiidhka dhanka safarrada hawada ee u dhexeeya Addis Ababa iyo Hargeysa. Arrimahaasoo dhanna waxa ay muujinayaan in Itoobiya ay horeba si dadban ugu aqoonsatay Somaliland.
Dhinaca siyaasadda caalamiga ah ma jiro waajib sharci oo u diidaya inuu dal aqoonsado dal kale umana baahna inuu oggolaansho ka helo dawlado kale si uu dalkaa u aqoonsado. Dal kastaa waxa uu xaq u leeyahay inuu go’aan ka gaadho inuu aqoonsado dal kale iyo wakhtiga uu aqoonsanayo. Sidaa daraaddeed Itoobiya waxa ay go’aan ku gaadhay inay Somaliland siiso aqoonsi hal dhinac ah, iyada oo aan dhag jalaq u siinayn dawlado kale, maamul goboleedyo ama ururro caalami ah midna.
Qoraalkan ayaa lagu soo gabagabeeyay in labada dhinac ee Somaliland Iyo Itoobiya ay muhiim tahay inay ka baarad-degaan in tallaabadan aqoonsigu aanay ka hor imanayn shuruucda caalamiga ah.