Sarkaalad Ka Tirsaneyd Ciidammada Lubnaan Oo Qoraal Baraha Bulshada Lagu Baahiyay Oo Ay ‘Like’ Garaysay Ku Weyday Shaqadeedii !

0
36

Baraha bulshada ee guud ahaan dadka dunida ku nooli haatan u adeegsadaan inay rayigooda ku cabiraan ayaa waxay mararka qaar halis galiyaan dadka sida khaldan u adeegsada iyaga oo aan ka fiirsan tallaabooyinka ay qaadayaan haddii ay tahay Share ama Like.

Haddaba, Haweenay ahayd sarkaalad sare oo ka tirsanayd ciidammada waddankaasi Lubnaan aheydna maamulaha xafiiska dambiyada Electronic ah ee hoos taga ciidammada ammaanka gudaha ee dalkaasi oo magaceeda la yidhaahdo Susan Al-xaaj ayaa shaqadeedii ku weyday qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka oo ay Like garaysay.

Qoraalkan ayaa wax soo dhigay fillim soo saaraha u dhashay dalkaasi lubnaan

ee magaciisa la yidhaahdo Sharbak Khaliil, qoraalkan ayaa waxa uu ahaa mid uu ninkaasi ku durayay haweenka dalkaasi Sucuudiga  ee loo ogolaaday baabuur wadista waxaanu  macnihiisu ahaa “Warka sheegaya haweenka  u dhashay Sucuudiga ee baabuur wadista loo ogolaaday waxa uu soo baxay isaga oo kala dhiman, waayo, waxa loo ogolaaday oo kaliya inay wadaan baabuurta Miinaysan”, Susan ayaa qoraalkaasi markii ay aragtay u qaadatay inuu wanaagsan yahay, intaasi kadib waxay la tiigsatay Like waxaanu qoraalkaa ay Like garaysay ay ku wayday shaqadeedii oo laga joojiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.