Iska Hor imaad Ciidan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dagaalkaasi

0
57

Muqdisho (Tayosame news)   -Wararka nga soo gaadhaya magaalada muqdisho ayaa waxay sheegyaaan in Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya iyo Ciidamo Milatari ah maanta ka dhacay Meel ku dhaw xarunta Degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

iska hor imaadka ayaa dhax maray Ciidamo Milatari ah oo la sheegay in ay handadayeen Mulkiile guri kuyaala Degmada Waabari iyo Ciidamo katirsan Nabad Sugida oo arintan kusoo baxay.

Iska hor imaad kooban ayaa dhax maray Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa Milatariga, waxaana Ciidamada NISA markii dambe usuurto gashay in ay gacanta ku dhigaan shan kamid ah Ciidamada Milatariga ee la dagaalamay.

Labo kamid ah Ciidamada Milatariga ee la qabtay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka ka dhacay Degmada Waabari, waxaana la geeyay xarun Caafimaad oo kor laga ilaalinayo.

Iska hor imaadka dhax maray Ciidamada kawada tirsan Dowlada Soomaaliya ayaan aheyn wax ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada Dowlada marar kala duwan ku dagaalameen qeybo kamid ah Muqdisho iyaga oo dhul ama qaab qabiil isku heesta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.