Boqor xukumi jiray dalka Japan ayaa ciidankiisa mar kasta ay dagaalada ku guulaysan jireen. Boqorku waxa uu caan ku ahaa geesinimo, maskax badnaan iyo hogaamin wanaagsan, taasi oo keentay in ciidanku kalsooni ku qabeen aadna u jeclaayeen hogaamintiisa dagaalka.
Boqorka marka duulaan ay qaadayaan waxa uu soo qaadi jiray Shilin bir ah , markaasi ayuu ciidanka isugu yeedhi jiray oo odhan jiray haday dhinaca sawirka u dhacdo waan guulaysanaynaa, hadddi kale dagaalka ma gelayno. Marka ay dhinaca sawirka u dhacdo ayay niyada wada geliyaan inay guulaysanayaan oo ay u dagaalamaan si geesinimo leh.
Markii boqorku gaboobay oo uu ku jiray maalmihii noloshiisa ugu danbeeyay ayaa wiilkiisa dhaxalka leh usoo galay oo ka codsaday inuu ku wareejiyo birtii uu dagaalka ka saadaalin jiray. Markii u dhiibay ayuu wiilku eegay birta mise labada dhinacba waa isku mid oo waa sawiro. Wiilka oo yaabna ayaa yidhi “ Ma arinkan khiyaamada ah ayaad muddo dheer waday “? Hadda maxaan ku idhaahda dadka soo ma noqonayso in aabahay been sheegayay?
Boqorka ayaa ku yidhi “ wiilkaygow dagaalka markaad gelayso waa laba dhinac, waa inaad guulaysato kan hore, kan danbe waa inaad guulaysto, marna dagaal uma gelaysid inaad jabto. Markaa xikamaddu waa sidaasi, niyadda dadka haka dilin ee ku dhiiri geli inay hadafkooda guusha ah gaadhayaan marka ay rumaysan yihiin. Guushana waxa lagu gaadha adigoo aaminsan inaad gaadhayso