Gudoomiyaha Baanka Dhexe oo la Dardaarmay Hawlwadeeno Tababar Aqoon-korodhsi u Qabtay

0
65

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Eng Cali Cabdillahi Daahir oo tababar u soo xidhay hawlwadeeno kala duwan oo ka tirsan Baanka Dhexe ayaa kula dardaarmay inay aqoonta ay korodhsadeen ay shaqadooda ka muuqato, shaqaalaha kalena la wadaagaan.

Shaqaalaha qeybta Iibka iyo farsamada ee bangiga dhexe ayaa loo soo gaba-gabeeyey tababar ay qaadanayeen muddo shan cisho ah.

Agaasimaha Waaxda Tababarada Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr Fu’aad Maxamed oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in hawlwadeenadda waaxda Iibka iyo farsamada la barayey hanaanka casriga ee loo raacdo wax soo iibsiga ee Baanka dhexe isticmaalo.

Agaasimaha Guud Mr. Maxamed Qaasim Xuseen oo hadal ka jeediyey munaasibada xidhitaanka tababarka ayaa in tababarku muhiim u ahaa shaqaalaha waaxda Farsamada iyo iibka Baanka dhexe

Tababaro kala duwna oo sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha waaxyaha Baanka Dhexe ayaa ku jira qorshaha sannadkan iyo sannadaha soo socda ee Baanka Dhexe.

“si loo dhiso halbowlayaasha Baanka Dhexe waa in marwlaba la helaa shaqaale khibrad fiican iyo aqoon dheeraad ah leh si shaqadoodu u hagaagto.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Eng Cali Cabdillahi Daahir oo xidhitaanka tababarka hadal ka jeediyey ayaa shaqaalaha kuula dardaarmay inay aqoonta ay korodhsadeen ka muuqato shaqadooda.

“Tababarada oo ka mid ah qorshayaasha muhiimka inoo ah waxa loogu talogalay kor u qaadida adeega ay bulshada Somaliland u hayno.”