Shaqaalaha Guddida Diwaan-Gelinta Ururada Siyaadadda JSL oo Tababar loo Qabtay

0
108

Qore: Cabdiwahab Dahir

Hargaysa, (Dawan) Tababar ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqada ay qaranka u hayaan, ayaa loo qabtay shaqaalaha guddida Diiwaangalinta ururada siyaasada iyo Ansixinta axsaabta Qaranka Somaliland, kaas oo socon doona muddo shan cisho ah.

Komishaneer Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada tababarkani laga leeyahay.

Waxaau yidhi.”Waxanu halkan ku sugnaan doonaa muddo 5 cisho ah, waxana aad baran doontaan waajibaadka guddida iyo xirfadaha looga baahan yahay Qofka shaqaalaha ah, ee xafiiskan guddida ka tiran, si aan u fulino Adeeg Hufan, Dhexdhexaada oo si wanaagsan inoogu Hirgala”

Geesta kale waxa uu shaqalaha tababarka qaadanayey kula dardaarmay in looga baahan yahay marka laysku daro aqoonta ay tababarkan ku qaataan iyo aqoontoodii hore in ay noqoto mid waxa ku soo kordhiya guddida waajibaadka shaqona siwanaagsan u guta.

Gaba-gabadii, Komishaneer Muxiyadiin waxa uu sheegay in shaqalaha Dawladu aanay ku milmin arrimaha siyaasada, waxa uu hoosta ka xariiqay in Xeerka Shaqalaha Dawladu gabi ahaanba ka reebay shaqalaha Dawladu in ay si uun ugu lugyeeshaan arrimaha siyaasada iyo Xisbiyada balse qofka shaqaale dowladeed ahi uu dastuurku xuquuq u siiyay kaliya in uu coddeeyo.