Macalin ayaa soo qaaday sabuurad weyn oo cad waxaana uu ku dhejiyay Gidaarka. Badhtanka sabuuradda ayuu ku sameeyay dhibic madow. Markaasi ayuu ardaydii weydiiyay maxaad gidaarkan ku aragtaan ? dhamaantood waxay ku jawaabeen dhibic madaw. Haddana wuu ku celiyay kolba mid ayaa isku daya oo yidhaa “Dhibic” , ama Goobo and Globe dunida. Markii ay halkaasi dhaafin waayeen ayay ka codsadeen Macalin noo sheeg?
Macalinka oo yaaban ayaa ardaydii ku yidhi: “ Gidaarka waxa ku dhejisan Sabuurad Cad oo saafi ah. Laakiin Idinku waxaad arkaysaan dhibicda yar ee madow oo keliya. Sidaasi ayay aadamigu xumaan yar u wada arkaan iyagoo wanaagga faraha badan indhaha ka laliya.