Gabadhiisa oo aad ugu qaylo badnayd ayaa ka codsatay inuu warqad ugu qoro dhaqanada xun xun ee ay leedahay si ay u bedesho, iyadoo u sheegtay inay arinkaasi ka doonayaan ururka jimciyadda haweenka ee ay ka tirsan tahay, waxaana ay u sheegtay inuu warqadda uu qorayo gal ku xidho oo aanu iyada tusayn sida jimciyadu ka doonayso.
Ninkaasi ayaa warqadii ku qoray “ Waxaan ku jecelahay gabadhayda sidaasi, kumana arko dhaqano xun xun ah oo aan sheego ama tilmaamo”.
Gabadhiisa ayaa u qaaday warqadii oo xidhan sidii ay jimcyadda dumarka ee ay ka tirsanayd ka codsaden iyadoo isla markiiba u gaadhsiisay wakhtigii ay ka rabeen.
Maalintii ku xigtay marki uu gurigiisa ku soo noqday ayuu la kulmay gabadhiisa oo taagan albaabka hortiisa oo ku sugaysa oo madiibad ubax ku jiro gacanta ku haysa, markii uu soo gaadhay ayay iyadoo ilmayanaysa faraxad darteed u dhiibtay.
Waxa gabadha yaab ku noqday sida uu ninkeedu amaanta weyn ku siiyay bulshadii dumarka hortooda oo warqad kasta oo la akhriyay ay noqotay tii ugu wanaagsanayd ee dhegaystaan akhriskeeda bulshada ka soo qayb gashay oo hortooda lagu furayay. Marki ay wada sheekaysteen ayu ku yidhi “ Anigu waan ogahay ceebaha aad leeadahay oo badan , laakiin waxaan ogahay in dawadeedu aanay ahayn inaan dadka u sheego”.
Gabadha ayaa wixii maalintaasi ka danbeeyay akhlaaqda tii ugu wanaagsnayad kula dhaqantay, sababtu waxa weyi amaantii sixirka ahayd ee uu qoray taasi o ahayd mid aan u qalmayn wakhtigaasi.