Baanka Dhexe ee JSL oo soo Qaban Qaabiyay Shir Lagaga Arrinsanayo Wax ka Qabashada Sarif Bararka

0
69

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Haragysa (Dawan) Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo qaban qaabiyay Kulan lagaga wada hadlayay kor u qaadidda adeegsiga shiling-ka Somaliland iyo wax ka qabashada sarrif bararka ayaa shalay ay yeesheen madaxa Baanka dhexe ee Somaliland, guddida heer qaran ee xasilinta Shilling-ka, qaar ka mid ah hay’adaha Maaliyadeed iyo urrurka Wadajir ee Sariflayaasha dalka.

Ugu horayn kulanka waxa ka hadlay guddoomiyaha Baanka dhexe ee JSL, mudane Cali Daahir Cabdilaahi waxaanu bulshada ugu baaqay inay isticmaalaan lacagta dalkooda si kor loogu qaado sharafta lacagta Somaliland.

Dhinaca kale waxa uu sheegay gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland in dhammaan shirkadaha bixiya adeegyadu ay ka qaadan bulshada Shilling-ka Somaliland si loo ilaaliyo sharafta lacagteena iyo joogtaynta isticmaalkeeda.

Geesta kale waxa uu gudoomiyaha Baanka dhexe xasuusiyay bulshada inay ku iibiyaan wixii boqol Dollar ka yar shilling-ka Somaliland maaddaama uu yahay qodob hore loo ansixiyay oo lagula dagaalamayay safif bararka ka jira dalka.

Ugu dambeyn gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland ayaa waxa uu baaq digniin ah u diray kooxda la baxday nuugayaasha kuwaas oo suuqa sarrifka ku haya culays weyn, waxa uu sheegay guddoomiyuhu, inay la socdaan warkooda islamarkaana ay ciqaab ka dhalan doonto haddii anay faraha kala bixin suuqa sarrifka.

Dhankooda wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland D. Sacad Cali Shire iyo gudoomiyaha Sarifleyaasha Somaliland ee Wadajir ayaa ka hadlay kulankan waxaanay sheegeen in la isla qaatay in kor loo qaado sharafta shillinka Somaliland, sidoo kalena la fuliyo awaamiirtii hore loo soo saaray ee isticmaalka shillnka ee boqol dollar wixii ka yar.

Dhinaca kale waxa ay xuseen in kulanka lagaga Hadley sidii wax looga qaban lahaa koox ay ku magacaabeen Nuugayaasha kuwaasi oo si qaldan u isticmaala sarifka.