Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz ayaa warqad u diray madaxweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo ka codsaday in uu cambaareeyo wax uu ku tilmaamay “weerarrada baaxadoodu wayn tahay” oo ay dhawaan ururka Xisbullah ee Lubnaan ku qaadeen Israa’iil, isaga oo ku baaqay, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal, dhaqangelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1701.
Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada inay dib ugu laabtaan hirgelinta Qaraarka tirsigiisu yahay 1701, isla markaana ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka si loo soo celiyo xasilloonida.
Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si buuxda loogu heshiiyo hirgelinta qaraarka 1701, kaas oo “hadda aad uga muhiimsan sidii hore si la isula arko waxna looga qabto arimaha asaasiga ah ee iskahorimaadka sababay iyo in la hubiyo xasillooni waarta,” sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahiyeen hawlgalku.
Warkaan ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii ay kormeerayaashu ku tilmaameen waxa ka dhacaya Lubnaan in uu yahay weerarkii ugu dhimasho badnaa tan iyo bishii October, waxaana ku nafwaayay ugu yaraan 490 qof oo ay ku jiraan daraasiin haween iyo carruur ah, halka in ka badan 1,600 oo kalena lagu dhaawacay.
Si kastaba ha ahaatee, soo noqoshada hadalka ku saabsan Qaraarka 1701 ee dhinacyadaan ma ahan mid cusub, ee wuxuu socday tan iyo markii uu dillaacay dagaalka Gaza 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Haddaba waa maxay qaraarkan?
Muxu yahay qaraarka 1701, muxuuse muhiim u yahay?
Bishii Agoosto 2006, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay Qaraar tirsigiisu yahay 1701, kaasoo ku baaqaya in gebi ahaanba la joojiyo colaadda Lubnaan, lana soo afjaro dagaalkii labaad ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Lubnaan, kaasoo socday 34 maalmood waqtigaas.
Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Xisbullah in ay si deg deg ah u joojiso weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, isla markaana ay si deg deg ah u joojiyaan dhammaan howlgallada militari, ayna kala baxaan dhammaan ciidamadooda ku sugan koonfurta Lubnaan.
Qaraarka tirsigiisu yahay 1701 waxa kale oo uu ugu baaqay dawladda Lubnaan in ay ciidamadeeda hubaysan geyso koonfurta iyada oo la kaashanaysa ciidamada UNIFIL, islamarkaana la hubinayo bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Khadka buluugga ah (xadka kala qaybiya Lubnaan iyo Israa’iil).
Qaraarkan ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo aag u dhexeeya Khadka Buluugga ah iyo Wabiga Litani ee koonfurta Lubnaan, kaas oo ka caagan qalab ciidan iyo ciidan hubaysan intaba, marka laga reebo kuwa ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Lubnaan iyo ciidamada UNIFIL.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay qaraarku in la dhaqangaliyo qodobbada heshiiskii la magac baxay Taif iyo go’aamadii ka soo baxay qaraarada kala ah 1559 iyo 1680, oo ay ku jiraan hub ka dhigista dhammaan kooxaha hubeysan ee Lubnaan iyo meesha laga saaro ciidamada aan u dhalan Lubnaan marka laga reebo kuwa ay ruqsadda siisay dowladda Lubnaan.
Waxaa jira dad badan oo aaminsan in qaraarka tirsigiisu yahay 1701 uu gacan ka geystay abuuritaanka xasilloonida Lubnaan muddo 17 sano ah, laga soo bilaabo dhamaadkii dagaalkii labaad ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Lubnaan 2006, ilaa uu dillaacay dagaalka Gaza ee todobadii Oktoobar.
Si ka duwan xaaladda dagaalka Gaza, qaabka qorshaha xabbad-joojinta dagaalka Lubnaan ayaa ah mid horeyba jiray oo ku qotoma Qaraarka 1701, sida ay qorayso majaladda Ingiriiska The Economist.
The Economist ayaa waxay ay qortay in qaraarka 1701 uu dhab ahaantii yahay mid dalbanaya in Xisbullaah ay ciidamada kala baxdo wuqooyiga wabiga Litani, iyada oo ka fogaaneysa xuduuda Israa’iil ilaa 30 km.
Balse hugaamiye kooxda, Xassan Nasrallah, ayaa waxa uu marar badan ku soo celceliyay in ururku uusan hakin doonin gantaalaha uu ganayo dhinac Israa’iil, inta ay Israa’iil ka joojineyso dagaalka Qasa, sida uu isagu sheegay