Dowladda Bangladesh Oo War-Bixin Kasoo Saartay Dibu Celinta Qaxoontiga Rohingya

0
95

Bangladesh: (Tayosame news)  -Xukuumadda Bangladesh ayaa sheegtay in Muslimiinta Rohingya ee dib loogu celinayo Myanmar ka dib heshiis dhexmaray labada dal ay ku noolaan doonaan guriyo kumeel gaar ah ama xarooyiin.

Wasiirka arrimaha dibadda, A H Maxmuud Cali, ayaa sheegay in maadaama guriyahii tuulooyiinka dadka Rohingya la gubay ay tahay in waqti cayiman ay ku noolaadaan xarooyiin ilaa dib looga dhisayo guriyahooda.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 600,000 oo ah Muslimiinta Rohingya ay u qaxeen dalka Bangladesh tan iyo bishii August.

Sargaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaamay wixii ka dhacay dalka Myanmar in uu ahaa isirsifeyn.

Heshiis ay kala saxiixdeen khamiistii dowladaha Bangaladesh iyo Myanmar ayaa wadada u xaadhaya geedi socod dib loogu daad gureynayo qaxootiga Rohingya ee ku soo qaxay Bangaladesh.

Howlsha dib u celinta qaxootiga Rohingya ayaa bilaabanaysa muddo laba bilood gudahood ah.

Hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka a ayaa ka digay in si qasab ah lagu celiyo qaxootiga Rohingya ee ka soo qaxay dalka Burma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.