Madaxweyne Trump Oo Diiday In Wargeyska TIME Ugu Yeedho Shakhsiga Sanadka

0
54

Washigton (Tayosame news) -Majalladda Time ayaa dood ka keentay hadal uu madaxweyne Trump ku sheegay in uu diiday codsi uga yimid kaasoo ah in waraysi iyo masawir laga qaado ka hor caddadka majaladda ee shaqsiga sannadka.

Jimcihii ayuu Mr Trump Twitterka ku qoray in Time ay soo wacday oo ay u sheegtay in ‘ay u badan tahay’ in loo magacaabi doono shaqsiga sannadka.

Laakinse Time waxay goor dambe sheegtay in madaxweynuhu uusan ku saxsanayn sida majalladdu ay xulashadeeda u samayso.

Madaxweynaha waxaa jaa’isadaas lagu abaal mariyey sannadkii hore.

Wuxuu hore si aan dhab ahayn u sheegay in uu yahay qofka uu sawirkiisa ugu badan yahay ee lagu soo daabacay bogga hore ee majalladda Time.

Dhaqankan ‘shaqsiga sannadka’ ee majalladda Time ayaa soo billowday 1927, taasoo lagu aqoonsanayo “shaqsiga ugu fiicnaa ama ugu xumaa ee saamaynata ugu badan ku lahaa dhacdooyinka sannadka”.

Time waxay sheegtay in aysan ka hadlin xulashadeeda ilaa iyo inta laga daabaco, ayadoo go’aankeedana daboolka laga qaadi doono 6da Disembar.

Majalladdu waxay ku martiqaaddaa akhristayaasha inay u codeeyaan cidda ay u malaynayaan inay abaalmarintaas ku guulaysatay, hase yeeshee go’aanka ugu dambeeya waxaa iska leh tifaf-tirayaasheeda.

Richard Stengel oo hore tifaf-tire uga ahaa majalladda ayaa sheegay in adeegsiga kalamadda ‘ay u badan tahay’ in micnaheedu yahay in Mr trump uu seegay in lagu abaal mariyo shaqsiga sannadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.