Somali (Tayosamenews)-Xildhibaan Dhubad Dhaqane oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan qorshihii ugu dambeeyay oo ay Mooshin uga gudbinayaan madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaana uu sheegay in Mooshinkaasi ay gudbin doonaan ka hor inta uu san furmin Kalfadhiga Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo 16 Bishaan ka furmi doono Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Sidoo kale Xildhibaan Dhubad Dhaqane ayaa tilmaamay in si sharci ah ay u wadaan Mooshinkaasi ,waxaana uu xusay in xilka ay uga tuuri doonaan madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu ku eedeeyay dayacaad shaqo.
Arrintaan aya ku soo beegmaysa, xilli shalay Magaalada Baydhabo uu gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxweyane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo in muddo ah safar ugu maqanaa dalka dibaddiisa.
Waxaana lagu soo warramayaa in isla xalay Magaalada Baydhab uu ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo uu uga hor imaanayo Mooshinka ay ka wadaan xildhibaano ka tirsan Maamulkaasi Koonfur Galbeed.