Noolaha waxa uu Alle (SWT) ku kala duway maskaxda oo uu si gaar ah Aadamaha uga faddilay noolaha kale oo dhan. In kasta oo aanu xayawaanku garaad lahayn, haddana waxa uu Alle siiyey awoodo badan oo ka kaba nusqaantaas, qaar badan oo ka mid ahna aanu aadamuhu lahayn. Awoodahaas xikmadaha Rabbaaniga ah ee ku jiraa waa in xayawaankani uu yeesho awood uu kula qabsan karo deegaanka iyo hadba duruufaha uu la nool yahay. Qormadan oo aynu usoo rognay af Somali waxaa aynu ku eegaynaa qaar ka mid a hawoodahaas xayawaanka uu Alle ku xoojiyey.
1 . Hombarada (Dolphin):
Qudhaanjadu caadi ahaan ma’ seexato sida in badan oo noolaha ka mid ahi habeenkii seexdo. Khubarada xayawaanka u kuur galaa waxa ay sheegeen in qudhaanjadu ay boqollaal jeer oo maalintii ah hadba waqti aad u yar yara suurto ama dhakoosho, taasina ay kabto hurdo la’aanteeda aanay abuur ahaan seexan waqti buuxa.
3. Jeer:
4. Balan-baalista:
Balan-baalista oo sida aynu la soconno ka mid ah xayawaannada kuwa taagta daran, ayaa leh awood abuur ah oo ay nolosheeda ku ilaaliso. Waxa ay awood u leedahay in ay dhadhamiso shay kasta iyada oo aan cunin jidhkeedana aanu gelin.
5. Deerada:
Sida ay xaqiijiyeen khubarada baadhaha dabeecadaha iyo nolosha xayawaanku, xayawaanka Deeradu la yidhaahdaa xilliga jiilaalkii waxa ay wax ka beddeshaa midabka dabiiciga ah ee maqaarkeeda sare, waxa aanay ku badisaa caddaanka, taas oo ay khubaradu ku macneeyeen in midabkaasi uu iska caabbiyo falladhaha qorraxda, taanina ay tahay hab abuur ah oo Alle ugu talogalay in xayawaankani xilliga xagaagii kulaylka badan ee qorraxda kaga raysto.
Sidoo kale deerada xilliga jiilaalkii midabkeeda waxa ay u beddeshaa midabka dambaska oo uu ku dhex qasan yahay midab bunni ahi, taas oo iyaduna ah hab kale oo uu ugu adkaysan karo qabowga xilligaas.
6.Tukaha:
Tukuhu waxa uu leeyahay awood Rabbaani ah oo uu ku xasuusan karo wejiga qofka khatarta geliya noloshiisa. Tukuhu waxa uu ka mid yahay xayawaannada ay khubaradu isku waafaqsan yihiin garaad badnaantiisa, gaar ahaan marka la eego dhinaca hawlqabadkiisa, ilaalinta ammaankiisa iyo guud ahaanba maamulidda hab-nololeedkiisa oo dhan. Waxa ay khubaradu tilmaameen in tukuhu awoodo in uu qabto hawlo maskax badan u baahan oo aanu daanyeerka oo qudhiisa garaad badnaan lagu tilmaamaa qaban karin.