Kooxda Boko Haram Oo Magaalooyin iyo Dhulal Cusub la Wareegtay

0
64

Nigeria (Tayosame news)   -Wararka ka imanaya waqooyi bari Nigeria ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Boko Haram ay la wareegeen magaalo ku taalla waqooyi galbeed oo u dhaw magaalada Maiduguri.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dad ku sugan magaalada Magumeri ay khadka taleefoonka ugu sheegeen in ay u qaxeen kayn ku dhaw magaaladaasi.

Ila wareedyo laga helay militariga Nigeria aya xaqiijiyay weerarka balse wax faafaahin ah kama aysan bixin.

Horraantii bishan ayay ahayd markii 6 qof lagu dilay guriyo badan na lagu gubay weerar ka dhacay isla magaaladan Magumeri .

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxa sii kordhayay howlaha ay Boko Haram ka wadaan waqooyiga dalkaasi Nigeria .

Militariga Nigeria ayaa waxa ay kooxda Boko Haram horrey uga saareen magaalooyiin ay ka talinayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.