Xukumadda Somaliya Oo Magacowday Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Gaashaandhiga

0
64

Somaliya (Tayosame news)   -Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhaweyd magacaabay wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Kheyre ayaa wasiirka Cusub ee wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya u magacaabay  Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan kaasi oo xukuumadii hore kasoo noqday Wasiirka Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa saacadihii la soo dhaafay wadatashi la lahaa Madaxweynaha dowladda Soomaliya Farmaajo, si uu u soo magacaabo xilka Wasiirka Gaashaandhigga.

Sidoo kale Kheyre ayaa magacaabista wasiirka Gaashaandhiga kala tashaday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan,kadib safar uu ku tagay magaaladda Baydhabo.

Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa xilka ka badalaya wasiirkii hore ee Gaashaandhiga soomaliya Abdirashiid Abdulaahi Maxamed kaasi oo bishii October iska casilay xilka wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.