Dowladda Ethopia Oo Xabsiga U Taxaabtay Rag Isugu Jira Soomaali iyo Orommo

0
56
Ethopia (Tayosame news)    -Dowladda Ethopia ayaa xabsi dhigtay 103-qofood oo isugu jira Soomaali iyo Oromo kuwaasi oo lala xidhiidhinayo khilaafka ka taagan xadka ay la wadaagaan dowlada Ethopia.

Wasiirka arimaha bulshada iyo xidhiidhka dadweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 98 qof oo Oromo ah iyo shan qof oo Soomaali ah in ay xabsiga dhigeen kuwaasi oo la tilmaamay isku dhacyada kataagan gobalka in ay qeyb ka yihiin halkaa oo bishii September ay kabarakeen tobonaan kun oo qofood.

Qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhuleed taagnaa in kabadan 20 sano oo wali aan xal laga gaarin.

Bishii October 2014-kii heshiis loo qabtay labada dhinac ayaa lagu xaliyay muranka labada dhinac ka dhaxeeya balse aysan jirin cid ku dhaqantay sharcigii xiligaa la soo rogay

Dowlada Ethopia ayaa sidoo kale sheegtay in qaadka sharcidarada ah ee deegaanada Gobalka lagu iibiyo in uu qeyb ka yahay rabshada soo noq noqda ee halkaasi ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.