Hargeysa(Tayosamenews)– Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga Waddani, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyey ay kor u kacday boobka lagu hayo hantida dawladda xilligan doorashada Madaxtooyada ay ka hadhay wax ka yar bil iyo badh.
Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde, waxa uu ugu baaqay bulshada Somaliland inay feejignaadaan oo ay meel uga soo wadajeestaan ilaalinta hantida guud ee Qaranka, osla markaana ay uga gadoodaan sidii shalay shacabku uga gadooday damicii lagu doonayey in lagu iibiyo Iskuulka Riis.
Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga Waddani, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu shalay u jeediyey taageerayaal ku soo biiray xisbigaasi Waddani oo ka soo diga rogay xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, waxaanu sidoo kale tilmaamay Mr; Jirde in xisbigoodu aanu aqoonsanayn heshiiskii lagu wareejiyey dekeda Berbera oo sida uu hadalka u dhigay uu u arko in xaqul qalin iyo laaluush uun la kala qaatay.
Gudoomiyaha Ku meelgaadhka ah ee Xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Sidaa loo sheegay waxaynu iskugu nimid qarankan sidii loo badbaadin lahaa, dalkani meel adag ayuu marayaa hadii aynu ku sii eeganana Waynu iswaayi doonaa.
Wuxuu marayaa qarankani nin guri dawladeed ku jira ayaa lacag loo keenay lacagtiibuu qawaday, masuul dawlada madax ka ah ayaa loo soo diray wuxuu ku yidhi waar nacasyohow labadan bilood ee ka hadhay doorashadaa ayaa laga gaadhsiinayaaye lacagtu yay kaa baaqane qaado. Waxa inoo cadaatay bishaa doorashada ka hadhay in boqol Riis la iibin doono hadaynaan feejignaan oo sidaa Iskuulka Riis dadku uga gadooday aanay uga gadoodin waxka weyn weyn ayaa soo socda. Qorshahaa yaala inaan waxba loogu iman way ogyihiin oo way ka dharagsan yihiin inaanay soo noqonayn, waxa lagu tashaday oo talo lagu gaadhay wax alayaale wixii la iibin karo, wax aleyaale wixii la isdaba marin karo inaan meeshan waxba loogu iman, hadaynaan feejignaan.
Sidaa Xuseen u sheegay mustaqbalka ubadkiina ayaa la sii rahmayaa oo la iibinayaa oo la sii kala qaataa, waxa aynu kaga hortagi karnaa oo aynu ku badbaadin karnaa farteenaa, maanta idinkoon xisbina u danaynayn mustaqbalka caruurtiina u daneeya oo u hiiliya, walaahinaan iskuul la helay oon biyo la helay oon ceel la helayn haday nimankaasi soo noqdaan, yay idinku soo noqon, waad ogtihiin dekedii Berbera, waad ogtihiin saldhigaa Berbera, waad ogtihiin hay’adihii dawlada sidaa loo boobayey oo maanta hay’add inoo fayow aanay jirin, hadii xisbiga Waddani meesha yimaado qabyo weyn weyn ayaa sugaysa si uu waxaa ugu dhiirado kalsoonidiina ayuu u baahan yahay. Arrimihii dibada ayaad arkaysaan in meelwalba la inaga soo ooday dalalkaynu saaxiibka la ahayn ee Afrika mid aynu maanta waji ku leenahay ma jiro, dalal waaweyn oo Afrikaan ah ayaa ictiraafkeena u sahan tahay oo Madaxweyneyaal ku jiraan maanta nin kaliya oo magaceena soo qaadi karaa ma jirto, waxa la isku raacay waan nimankaasi waxbaba doonimaayaan, waxaana ina sii dilay maanta carab aan naf inoo hayn. Oon dan inaga lahayn oo intaasaynu dhimanaynee aan naf inagu darsan ayaa maanta khayraadkeeniina usoo jeedsatay Dekeda inay qaataan Airports-ka inay qaataan, shidaalka inay qaataan, haamaha inay qaataan inaynu isuba dhiibno oo maxmiyad carbeed aynu noqono, waxaasina waxa weeyi nin sii socda oo og inaanu soo noqonayn ayaa rahmaya dalkii, hadaydaan iska qaban oo aanu sidaa inagu dhaafin oo bishaa joogto aydaan ilaalin hantida dawladda sidaa Riis loo ilaaliyey, balanteenu waxa weeyi waar waxba inoo hadhi maayaane sidaa ha inagu dhaafeene yeynaan cod dambe siinin wixii xaaraan lagu qaatay ee hantida dawlada ah ama Dekedo ah ama Guryo ah ama Ceelal ah ama wax walba ah sida uu gudoomiyuhu sheegay ee uu yidhi waxaan sharci ku bixin waa laga daba tagayaa oo waa la soo celinayaa, heshiiskaa dekeda Berbera lagu wareejiyeyna xisbigayagu ma aqoonsana, heshiiska dekeda Berbera lagu wareejiyey xisbigayagu ma aqoonsana, waxaanu u aqoonsanayn sifadii sharciga ahayd lama marin, xaqul qalinbaa la kala qaatay, laaluush baa la kala qaatay, qoysasbaa ku heshiiyey aad garanaysaan ayaa ku heshiiyey.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee Waddani, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.