hargeisa (Tayosame news) –Beerku waa xubin ka mid ah jidhka banii-aadamka gaar ahaan xubnaha uur-kujirta loo yaqaan(organ inside) xubinta ugu weyn .
Wuxuu ku yallaa ama dhacaa dhinaca midig gaar ahaan qaybta sare ee feedhaha hoostooda (URQ) .
Culusayka beerku waa 3 pounds, midabkiisu waa casaan madow xiga sido kale waad ka dareemi kartaa taabashada laakiinse si toos ah uma wadda dareemi kartid sababta oo ah waxaa badankiisa dusha ka daboola feedhaha.
Beerka waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo ah dhinaca midig iyo dhinaca bidix.
Maxay tahay shaqooyinka ugu muhiimsan ee beerku u qabto jidhka banii-aadamka?
Waxaa jira shaqooyin badan oo uu ka qayb qaato beerku balse aanoo soo koobaya aan is dultaago dhawr qodob oo uu beerku ka caawiyo jidhkaaga
• wuxuu ka caawiyaa jidhka dheefshiidka cuntada
• kaydinta tamarta (energy)
• sido kale wuxuu ka caawiya jidhkaaga ka saarida waxyaalaha wasakhda ama sunta ah ee aanu u baahnayn jidhkaagu.
Qodobadaa iyo kuwo kale oo badanba wuu ka qayb qaata beerkaagu(liver) balse inta hadhay adigaan ku dhaafayaa ee aan gudo-kalno cudarka cagaarshoowga loo yaqaan ama luuqada qalaad lagu Magacaabo (hepatitis B).
Aduun weyna waxaa uu saameeyey cudarkani dad gaadhayaa laba bilyan oo qof (two billion) sanad kasta waxaa u dhinta dad gaadhaaya 600,000 iyada oo aay ku lamaanyihiin cudurada kale ee beerka ku dhaca.waaxaana uu ka midyahay xanuunada beerka ku dhaca
Cudurkan waxaa sababa fayras(virus) waxaana loo yaqaan dilaaga aamusan kaasoo lagu kala qaadi karo ama ku faafi kara taabashada qof qaba cudurka cagaarshowga sido kale waxaa uu ku faafikaraa isticmaalida irbad ama qalab caafimaad oo uu isticmaalay qofka qaba infakshanka oo aad ka daba isticmaashid, waxaa kale oo uu ku faafi karaa la wadaagida galmo aan badbaado lahayn iyo la wadaagida caday uu isticmaalay qof qaba cudurka .
Calaamadaha lagu garankaro cudurka.
Ma jiraan calaamado si dhakhso ah aad ugu garankartaa isla marka uu kugu dhaco cudurkan balse waxaa jira waqti uu qaato oo ku dhaw 40 illaa 160 casho .
Calaamadaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah.
• xanuun dhinaca sare ee midigta ee caloosha
• maqaarka iyo idhaha oo jaalle noqda
• lallabo
• daal
• miiskaanka oo hoos u dhaca
• midabka saxarada oo khafiif noqda.
Sidee ayaa loo qaadi karaa cudurkan ?
• in aad u galmooto qof qaba ama uu jidhkiisa ku jiro fayraska sababa
• in hooyadu ku dhasho ilamaheeda oo aay marki hore qabtey
• adiga oo la waddaaga qalabka la isku mudo sida irbada
• inkasta oo uu faafo sida jeermiska aydhiska oo kale haddana cagarshowga ayaa 100 jeer iska qaadsiin fudud tan macaheeda oo ah haddii dadka guriga ku wadda nooli mid ka mid ahi qof cagaarshow b waxa suura gal in in aay inta kallena qaado.
sidee lagu ogaan karaa cudurka ama loo baadhi karaa?
waxaad ku ogaan kartaa adi oo tagga goob caafimaad islamarkana dhakhaatiirta fadhida goobtaasi waxaay kugu amrayaan qaybta shaybaadhka.
Shaybadhkuna wuxuu sheegi
In uu ku hayo xunuunku iminka
In uu hore kuu hayey xanuunkan iyo in aanu ku haynin
Side looga hor tegi karaa cudurka ?
Sida aan kor kusoo xusan xanuunka cagaarshawga waxaa uu ka midyahay cudurada sida fudud ku faafaha waxaadna iskaga ilaalin kartaa adi oo raaca taloobinyan
• Waxa ugu muhiimsan ee aad kaga hortegikartaa waa adi oo qaata talaalka lagu talagay ,talaalkaasina waxa uu ka koobanyahay 3 irbadood waxaana waajib ah in aad qaadato 3da irbadoodba ee talaalku ka koobanyhay
• haddii aad tahay qof qabba xanuunkan taxaddar u gal sidii aad u yarayn lahayd aafaynta dadka kale
• ha isticmaalina lana lawaadgin irbadaha qofna
• isticmaal kaloofis haddii aad ka maarmiweydo taabashada dhiig qofkale
• hala wadaagin qofna caday ama waxa kasta oo dhiicaan leh .
cudurkan oo lagu magacaabo dilaaga aamusan waxaa uu faro xun ku hayaa dhamaan bulsha weynta somaliyeed meelkasta oo aay joogta waxaana u dhinta sanadkasta dad aad u tiro badan qiyaastii .
dhamaanteen waxaa waajib inga saran yahay sidii aan ula dagaalami lahyn xanuunkan isla mar ahaantaasna ula tacaalilahayn dadka qaba .
waxaan talo kuso jeedinayaa haddii Allah kaa koryeelay cudurkan in aad qaadato talaalkiisa kulana taliso qofkasta oo walaalkaa ah.