Abiy Ahmed oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidamada Milateriga Itoobiya+SAWIRRO

0
610

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidamada difaaca qaranka ee Itoobiya, waxayna ka wada hadleen arimo kala duwan.

Kulankan ayuu ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku muujiyey sida uu ugu faano ciidamada difaaca qaranka inay yihiin kuwa ilaaliya nabadda iyo ilaaliya madaxbanaanida.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la xoojiyo anshaxa iyo hufnaanta, lana xisaabtamo kuwa qaadaya ficil kasta oo hawlgal ah oo aan matalin qiyamka ENDF lana abaalmariyo kuwa sameeya.

“La xisaabtanka iyo goldaloolooyinka edbinta waxaa lagu xallin doonaa marinnada ku habboon.” Ayuu yidhi ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.