Afar Markab Oo Laga Manuucay Inay Ku Xidhaan Dekeddaha Caalamka Iyo Sababta

0
134

Hargeisa: (Tayosame news) Qaramada midoobay ayaa afar markab ka mamnuucday in ay ku xidhaan dekedaha caalamka, ka dib markii lagu helay in ay jabiyeen cunaqabatayntii caalamiga ahayd ee la saaray Kuuriyada Waqooyi.

Hugh Griffiths o ah isku dubaridaha guddiga ay Qaramada Midoobay u saartay cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi ayaa tallaabadaas ku tilmaaamay mid aan caadi ahayn.

Maraakiibtan ayaa la sheegay in ay kala yihiin Petrel 8, Hao Fan 6, Tong San 2 iyo Jie Shun.

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa bishii hore sare u sii qaaday cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi, iyaga oo ka jawaabaya tijabadii lixaad ee uguna xoog badnayd ee nukliyeer ah ee Kuuriyada Waqooyi samayso.

Mamnuucitaanka ayaa lagaga dhawaaqay kulan ay Qarammada Midoobay qabatay oo Isniintii dhacay.

Griffiths oo ka hadlaya kulankaas looga hadlayay dhaqangalinta xayiraadaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in maraakiibtani lagu helay “in ay qaadeen alaabo la mamnuucay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.