Akhri Magacyada Xildhibaano Golaha Wakiiladda JSL ah oo la Baafinayo

0
108

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baafinaya 14 mudane, oo sabab la’aan uga baaqday fadhiga 7aad ee kaldadhiga 9-aad ee golaha wakiillada Somaliland ee shalay

Golaha Wakiilladas Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay sidaasi ku sheegeen warqad uu ku saxeexnaa Xoghaye ku xigeenka guud ee golaha wakiillada Somaliland Jamaal Jaamac Jiir, warqadaasi qoraalka ah oo lagu baafinayo mudaneyaasha la baafinayo.

Haddaba warqadii liiska mudanayaasha la baafinayaa ku ku qornaayeen oo warbaahinta loo qaybiyay, isla markaasna uu ku saxeexnaa Xoghaye ku xigeenka guud ee golaha wakiillada Somaliland Jamaal Jaamac Jiir, ayaa u dhignayd sidan.

1 Xidhibaan Aadan Cismaan Xarbi, 2. Xildhibaan Abokor Faarax Warsame, 3. Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim, 4. Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud Kaare, 5. Xildhibaan Axmed Muuse Jaamac, 6. Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruje, 7. Xildhibaan Cabdillaahi Muuse Cabdi, 8. Xildhibaan Cali Xuseen Nuur Beegsi, 9. Xildhibaan Guuleed Maxamed Warsame, 10. Xildhibaan Jaamac Axmed Oogle (Caano-boodhe), 11. Xildhibaan Jaamal Aadan Diiriye, 12. Xildhibaan Maxamed Xuseen Raanbow, 13. Xildhibaan Maxamed Cismaan Liimo iyo 14. Xildhibaan Yaxye Cabdillaahi Amiin Araarse.

Gaba-gabadii baafinta xildhibaanadan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo intii uu furmay Kalfadhiga sagaalaad ee golahani uu mudaneyaasha golaha ee ka maqnaaday fadhiga golaha la baafinayay maalmihii u danbeeya warbaahintana si toosa loola wadaagayay.