Al-shabaab Oo La Wareegtay Deegaano hoos-taga Galmudug Iyo Heegan La Galiyey Ciidamada Galmudug

0
407

Somaliya (Tayosame news) -Maamulka Galmudug ayaa heegan galiyay Ciidamada Maamulkaasi, kadib dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo degaano hoos taga Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug.

Ilo deegaanka ayaa u sheegay iney soo gadheen deegaano hoos taga Cadaado Ciidamo katirsan Al-shabaab oo maal mihii danbe dhaqdhaaq Ciidan ka waday halkaasi.

Xarakada Al-shabaab ayaa maalin nimadii shalay waxa ay la wareegeen Tuulooyin hoos taga deegaanada Camaara iyo ceel huur ee bariga G/ Mudug, halkaasi oo Saakay laga dareemayo dhaq dhaqaaq Ciidan.

Wasiir ku xegaanka Amiga Galmudug  ayaaa sheegay iney ka war qabaan dhaq dhaqaaqa Ciidan Shabaabka halkaasi ka wadaan, dhankoodana ay Ciidamo Galmudug ah ay u direen si ay kaga hor tagaan dhaq dhaqaaqa Ciidan ee Al-shabaab wadaan.

Ma cada sida wax ay noqon karaan Maadama Galmudug Ciidamo fara badan ay u direen halka uu dhaq dhaqaaqa Ciidan ka socdo iyo Ciidamada Al-shabaab oo halkaasi ka sameynaya dhul balaadhsi.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa wali ka hadal dhaq dhaqaaqa Ciidan ee la sheegay in Ciidamadooda ay ka wadaan deegaano dhaca bariga Gobalka Mudug iyo bariga Gobalka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.