Alshabaab Oo Madaafiic La Dhacday Saldhigyo Milateri Gaar Ahaan Ku Ciidamada Jabuuti Ee Baladwayne

0
17

Somaliya (Tayosame news)   -Wararka soo gaadhaya xafiiska war qabadka tayosame news  ayaa ku waramaya in weerar duqeyn ah lagu qaaday Fadhiisimo Ciidamada Dowlada Jabuuti ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Baladweyne ee Gobalkaasi.

dadka deegaanka ayaa  xaqiijiyay in dhawr Madfac ay ka maqlayeen duleedka Baladweyne, balse aysan ka war qabin duqeyntaasi halka sida rasmiga ah loogu weeraray iyo qasaaraha ka dhashay intaba .

Xoogaga Al-shabaab ayaa baraha ay bulshada ku kulanto ku baahiyey in duqeyntaasi ay ka danbeeyeen guutada Shabaab u qaabilsan Madaafiicda halkaana ay ku bartilmaameed sadeen Saldhigyo Ciidamada Jabuuti ay ka sameysteen Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan.

sido kale wali Shabaab-ka ayaan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, dhanka Ciidamada Jabuuti ama kuwa Maamulka Magaalada Baladweyne iyana kama aysan hadlin Duqeyntaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ee halkaasi laga helaayo ayaa ku waramaya in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Dowlada Jabuuti ay halkaasi ka wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan ragii ka danbeeyay duqeymaha lala eegtay Saldhig ciidamada Jabuuti ay ku lahayeen halkaasi.

Al-shabaab ayaa mararka qaar madaafiic ku weerara saldhigyada Ciidamada Hir-shabelle iyo kuwa  Ciidamada kala gedisan ee AMISOM gar ahaan kuwa dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ee ku sugan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.