Alshabaab Oo Xalay Weeraro Halis Ah Ka Fulisay Gudaha Kenya + Gawaadhi Ay Gubeen

0
351
Kenya (Tayosame news)  Xoogaga ka tirsan ururka Al-shabaabka ee ka howlgala gudaha Kenya ayaa weerar  khasaare dhaliyay waxa ay ku qaadeen Jaziirada Lamu oo ka tirsan dalka Kenya, sida ay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Weerarkan alShabaab ay qaadeen ayaa waxaa loo dhigay Gaadhi, kaasi oo ku socdaalayay wadada isku xidha degaanada Gamba iyo Witu oo ka wada tirsan Jaziirada Lamu.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in ay gubeen Gaadhiga ay gacanta ku dhigeen, sidoo kalena ay dileen laba qof oo Kenyan ah, kuwaasi oo Gaadhiga la socday.

Taliyaha qeybta Booliska Lamu ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu baadi goobayo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan wadoyinka ugala Ciidanka Dowladda kenya ee ku sugan xuduudka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.