Arday u Imtixaan u Gashay Deeq Waxbarasho

0
51

Qore:Cabdiwahaab Daahir

 

Hargqysa, (Dawan) Komishanka Tacliinta sare ee Qaranka jamhuuriyada Somaliland ayaa Imtixaan ka qaaday Arday deeq waxbarasho ka heshay wadanka dibadiisa, kuwaas oo shalay imtixaanada ku kala galay, Gobolada, Awdal, Maroodi-Jeex, Togdheer iyo sidoo kale Sanaag.

Imtixaanka ayey ardaydu ku galeen, Jamacadaha kala ah Cammuud, Hargaysa,  Burco iyo Sanaag.

 

Waxa uu imtixaanKa  ardayda  u tartamaysay deeqda waxbarasho  noqonaya mid loogu kala reebayo  ardayda si ay u soo baxaan guulaystayaasha ka faaiidaysan doona deeqda wax barasho isla markaana u ambabixi doona si ay wax u soo bartaan.

 

Geesta kale Agaasimaha guud ee tacliinta Sare  Ilyaas Faarax Xasan  oo warbaahinta kula hadlay jaamacada Hargaysa ayaa faahfaahin ka bixiyey deeqda wax basarsho ee ardaydu Maanta imtixaan u galayaan iyo wadanka Somaliland ugu deeqay waxbarashada ay ardaydu u tartamayaan iyo sidoo kale shuruudaha looga baahnaa ardayda imtixaan ka u fadhiistay.

 

Agaasimaha komishanka Tacliinta sarena waxa hadaladiisii ka mid ahaa.” Waxay ahayd deeq waxbarasho oo aan dalka Ethiopia ka helnay, waxay ka koobnayd laba boqol oo arday, 92 ahaa master iyo 8 ahaa PHD, iyo boqol arday oo looga baahnaa Degree ardaydaa hore ee master ta iyo PHD hore ayey u galeen , waxan manta(shalay) ka qaadaynaa imtixaan kii degree ga ahaa, guud haan hadaynu sheegno ardaydii gashay  imtixaanka master ta iyo PHD du wuxay ku galeen habtka onlineka ah”.

Gabagabqdii, Gudoomiyaha tacliinta sare ayaa sheegay in ardayda gobolada ka soo codsatay in ay kala badnaayeen isla markaana ardayda gobolka maroodi-jeex ka soo codsatay ay ka badnaayeen marka la barbardhigo gobolada kale ee dalka.

 

Gudoomiyuhu waxa oo sidoo kale sheegay in ardayga galaya soo codsanaya imtixaanka isla markaana galaya ay shuruudaha looga baahnaa ay ahayd, in uu yahay qof u dhashay Somaliland, haysta kaadhka  dhalashada Somaliland iyo sidoo kale in uu dajada shaahadiisu ay tahay darajada A iy B.