Boorame (Tayosame news) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ayaa sheegaya in ay xaalada magaaladu kacsan tahay kadib markii la sheegay in warqad kasoo baxday xafijskiisa M/Xigeenka Somaliland Saylici Xilkii kaga qaaday 3 Masuul oo jooga xafiiska maaliyada ama Kastamka gobolka Awdal ee Magaalada Borama ,3da Masuul ayaa kasoo jeeda beelihii u codeeyay xisbiga wadani( Makaahiil )
Saylici oo daba socda aargoosi beeleed ayaa dagaal ku qaaday xiligan kala wareega. 3da masuul ee uu xilka ka qaaday ayaa hayb ahaan kasoo kala jeeda Beelaha, Jibriil Yoonis ,Aaden Yoonis iyo Nuur yoonis halka la sheegayo inuu usoo magacaabay 3Masuul oo ay isku beel yihiin.
Waxaan lagu sheegay Sadexda masuul ee saylici argoosiga siyaasadeed ku keenay ,Rooda xaamud jibrii l( Reer maxmed) oo ay wealaalo yihiin Wasiirkii hore Golayaasha,INA ARAWEELO wiil uu dhalay talihii qaybka Booliska (bahabar celi) Maxamed Case iyo Xubinta Sadexaad oo lagu sheegay INA XASAN DARI(Habarcafaan).
Wasiirka Maaliyada Samsam ayaa lagu sheegay in ay soo qortay badalka sadexdan masuul , waxaase taasi been cad ka dhigaay in wasiir samsam iyo wasiirada kaleba Saxeexi wasiirnimo laga joojay wakhigan Kalaguurka oo aanay waxna magacaabi karin isla markaan xilka ka qaadi karin.
Arintan ayaa noqonaysa fadeexad la kawsanaysa dawlada u soo dhisi doono madaxweyanaha soo socda kornayl Muuse Biixi isla markaan masuuliyadeeda uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka somaliland saylici oo isag u muuqda Masuul matala kaliya Gobolka Awdal.
Saylici iyo tageerayaashiisa gobolka Awdal waxay la ildaranyihiin Guul daradii gobolkaasi u kala kulmay xisbiga Kulmiye, iyaga uma muuqato in ay xukunkii dalka maroorsadeen ee waxaa ay ka hebetaynayaan in gobolkii ay ku tartamayeen lagaga badiyey.
Saylici waa markii sadexaad ee u tartamo ee lagaga badiyo gobolka Awdal. sanadii 2002 waxaa u tartamay golahii degaanka ee Magaalada Borama , waaan laga badiyey, Sanadii 2010 , waxaa u sharaxnaan m/kuxigeenka xisbiga kulmiye , Gobolka Awdal waa lagaga badiyey , halkan sanadkan 2017 sidoo kale lagaga badiyey gobolkii u ka soo jeeday.
Saylici isagoo daba jooga fadeexadahaasi ka soo gaadhay gobolka Awdal waxaa u dagaal aan dhamaad lahayn ku hayaa Beelaha makaahiil ee Cod ahaan kaga badan gobolka Awdal isagoo dhamaan xafiisyada dawlada ee degmooyinka iyo gobolka ka faaruqiyey , waxaa u maanta qaaday argoosigii doorashadii labo usbuuc ka hor ka dhacay dalka.