Arrimihii Ugu Cuslaa Oo Kasoo Baxaya Dagaalka Somaliland iyo Puntland iyo Arrinta oo Faraha Kasii Baxaysa

0
484

Sool (Tayosame News) Xiisada dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in xaaladu ay sii cuslaatay kadib markii Ciidamo gurmad ah xoogan uu soo gaadhay ciidamada Puntland kuwaas oo kusii qul qulayey deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool tan iyo habeenkii xalay ahayd.

Ciidamadani oo iskaga kala yimid deegaanada kala duwan ee Puntland ayaa bartilmaameedkoodu uu yahay dagaal ka dhan ah ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq, waxaana xaaladu ay maanta tahay mid aad u culus isla markaasna ay xili walba macquul tahay in dagaal xoogani uu ka dhex qarxo labada dhinac.

Diyaar garow xoogan iyo gurmadka ciidamada Puntland ee isaga qaylo dhaamiyey dhamaan puntland ayaa hada sii xoogaysanaya.

Dhinaca kale ciidanka qaranka somaliland ayaa waxa beryahanba lagu hubaynayey qalab miilateri oo kala duwan iyo taangiyada dagaalka si ay isaga caabiyaan ciidanka maamulka puntland, walow ay dhanka puntland jiraan ciidamo kasoo goostay sida kuwa ilaalada madaxtooyada oo shalay cidanka somaliland isoo dhiibay iyo ilaaliyihii gaarka ahaa ee madaxweyne ku xigeenka maamulka puntland oo isna ka garab dagaalamaya ciidanka qaranka jamhuuriyada somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.