India (Tayosame News) Isagoo ahaa wiil uu dhalay macallin iskuul oo ka soo jeeda gobolka Gwalior ee bartamaha Hindiya, Atal Behari Vajpayee waxaa in uu siyaasadda ku soo caan baxo sabab u ahaa macbad diimeedkiisii aadka loo yaqaannay.
Xididdada siyaasaddiisa waxa ay ku dhisanyihiin xisbiga garabka midi gee Rashtriya Swayamsevak Sangh (RSS), oo ah xisbiga qaran ee Hinduuga oo xitaa uu raadkiisa ka abuurmay xisbiga hadda ka taliya dalkaas ee Bharatiya Janata Party (BJP).
Sannadihii 1950-meeyadii, xisbiga RSS waxa uu go’aansaday in uu Vajpayee u diro baarlamaanka si uu ula tacaalo raysul wasaarihii talada hayay ee Jawaharlal Nehru.
Waxa uu kursi ku guuleystay sannadkii 1957-kii.
Taasi waxa ay Vajpayee oo markaas 33 jir ahaa keentay magaalada Delhi, waxaana ay baddashay noloshiisii hore isla markaana waxa uu noqday qof heer sare gaarsiisan.
Balse waxa uu sii ahaa qof si weyn u mucaaradsan dowladda sidaasna waxaa rabay xisbigiisa RSS.
Baarlamaanka ayuu mar ka sheegay in Nehru uu leeyahay “aragti daba geddisan” oo ayna sabab u tahay maadaama uu madixiisa muddo badan hoos u fooraro marka uu sameynayo jimicsiga nooca loo yaqaanno Yoga.
Tallaabo su’aal la iska weydiin karo
Siyaasadda Hindiya waxay isu beddeshay si cajiib ah sannadkii 1970-kii.
Haweeneydii waqtigaas Raysul wasaaraha ka ahayd Hindiya ee Indira Gandhi ayaa waddanka ku hogaamisay dagaal ka dhan ahaa dalka deriska la ah ee Pakistan sannadkii 1971-kii, kaasoo sababay in uu abuurmo dalka Bangladesh, oo horay u ahaan jiray bariga Baakistaan.
Vajpayee ayaa xilligaas jeediyay oraah caan baxday oo ahayd in uu haweeneyda Raysul wasaaraha ah la bar bar dhigay Ilaaha dheddiga ah ee ay Hinduuga caabudaan ee loo yaqaanno Durga taasoo sida uu sheegay dagaal ku qaaday sheydaanka iyo xulafadiisa.
Afar sano ka dib sannadkii 1975-kii, Gandhi waxay xaalad deg deg ah uga dhawaaqday guud ahaan dalka Hindiya. Intii muddadaas lagu jirayna waxaa lasoo tebiyay xad gudubyo waaweyn oo ka dhan ahaa xorriyatul-qowlka iyo xaddidaad lagu sameeyay xuquuqda bani’aadamka.
Waxaa hakad la geliyay ku dhaqanka nidaamka Dimuqraadiga waxaana dhammaan hogaamiyeyaasha mucaaradka, oo uu ku jiray Vajpayee loo wada taxaabay xabsiga.
Tallaabo su’aal la iska weydiin karo ayuu qaaday Vajbayee, taasoo ahayd in uu Marwo Gandhi uga cawday “xaalad caafimaad darro oo uu sheeganayay” taasoo sababtay in laga wareejiyo xabsi ku yaalla magaalada Bangalore ee koonfurta Hindia loona wareejiyo isbitaal ku yaalla caasimadda Delhi.
Xaaladda deg degga ah ee uu dalka ku jiray ayaa la soo af jaray bishii January ee sannadkii 1977-kii. Doorashooyin ayaa la qabtay bishii March. Xisbiga Congress-ka ee Marwo Gandhi ayaa la kulmay guul darro lama filaan ah oo kasoo gaartay xisbi isbahaysi ah oo cusbaa oo lagu magacaabayay Janata Party, kaasoo uu Vajpayee xubin ka ahaa.
Waxa uu noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya wuxuuna sameeyay dadaallo uu ku hor marinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay labada waddan ee dariska la ah ee Baakistaan iyo Shiinaha.
Markii uu xisbiga Janata Party bur buray sannadkii 1980-kii waxa uu Vajpayee soo jeediyay in qaar ka mid ah xubnihii aasaasay xisbigaas ay dib u abuuraan xisbi kale oo siyaasadeed.
Xisbiga RSS ayaa aqbalay soo jeedinta waxaana uu Vajpayee abuuray xisbiga BJP.
Dib usoo noolaanshaha nasiibka
Intii waqtigaas lagu guda jiray Indira Gandhi waxa ay dib u habeyn ku sameysay xisbigeedii Congress-ka.
Sannadkii 1984-kii ayay Marwo Gandhi u geeriyootay toogasho uu u geystay nin waardiyeheeda ahaa.
Doorashadii isla sannadkaas dhacday ayay xisbigeeda Congress-ka dib ugu guuleysteen xukunka.
Waxaa hoos u dhac uu ku yimid kuraastii xildhibaannada baarlamaanka ee xisbiga BJP ee uu abuuray Vajpayee.
Waxaa yaraatay saameyntii siyaasadeed ee Vajpayee waxaana uu muddo kooban uga baxay aqalka baarlamaanka.
Hase ahaatee markaas ka dib waxaa jirtay soo rogaal celin lama filaan ah oo uu dib u soo sameeyay.
Bishii December ee sannadkii 1992-kii waxaa dhacay qalalaase salka ku hayay muran ka dhashay masaajid iyo macbad Hinduu ah oo sababay dhimashada 2,000 oo ruux.
Waxaa sii xoogeystay rabshadaha waxaana qaraxyo ka dhacay magaalada Mumbai lagu dilay 257 qof, iyadoo qaraxyadaasna lagu eedeeyay in ay fuliyeen dad uu ku jiro fikir loogu aar gudayo muslimiinta lagu dilay qalalaasaha.
Xisbiga RSS ayaa garowsaday in xisbiga BJP uu qarka u saaranyahay ku guuleysiga doorashada xigtay waxaana ay musharrax ahaan u doorteen Vajpayee oo markaas ahaa hogaamiye heer sare oo dhanka siyaasadda ah ka gaarsiisan bulshada dhexdeeda.
Waxa uu xilka raysul wasaarenimo qabtay labo jeer oo isku xigta.
Isku darka muddadii uu xilka raysul wasaarenimo hayay Atal Behari Vajpayee waxa ay ahayd lix sano oo ka dhigan labo xilli doorasho oo is daba socday.